MW Xasan oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir & mida Rafcaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Benaadir, kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Siciid Cali Maxamed oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir u magacaabay Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan sarreynta sharciga iyo xallinta cabashooyinka caddaalad darro ee ka imaanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xeerkan Madaxweyne oo ku saleysan Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juun 1962, ayaa dhaqan galay ka dib faafinta rasmiga ah ee maanta oo ku beegan 20-ka Bisha Oktoobar 2022.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor