Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska oo ku dhawaaqday inay is Casishay & sababta keentay

Liz Truss, oo ah Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska, ayaa iska casishay jagadaasi. Liz, ayaa sheegtay inay la kulantay 1,922 xubnood, Guddoomiyihii guddiga Sir Graham Brady maanta.

Dhamaan dadkani, ayaa waxay isku raaceen in todobaadka soo socda ay dhacdo doorashada hoggaanka.

Waxey intaa ku dareen inay sii ahaan doonto xilka Ra’iisul wasaaraha inta laga dooranayo qofka bedeli doona.

Truss ayaa sheegtay in aysan qaban Karin waxyaabaha horyaalla ee loo doortay

Tobaneeyo wariyeyaal ayey ka hor sheegtay inay xafiiska timid, xilli ay jirto “xasilooni darro dhaqaale iyo mid caalami ah”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor