MW Biden iyo xisbigiisa dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka

Madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa Dimoqraadiga ayaa Arbacadii dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka, kaddib markii xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen shirciga ilaalinta xuquuqda codbixinta, kaas oo ay muddo sanad ah u ololeynayeen.

Dimuqraadiyiinta ayaa diyaar u ahaa inay isla markiiba u codeeyaan isbedel lagu sameeyo mid ka mid ah xeerarka Senate-ka, si ay uga gudbaan habraaca filibuster-ka oo ay u arkayeen inuu caqabd ku yahay hindisahooda, si ay ugu ansixiyaan aqlibiyad fudud sharciga ilaalinta xuquuqda codbixinta.

Laakiin bedelka sharcigan ayaa sidoo kale ku dhammaaday guuldarro, maadaama Biden uu awoodi waayay inuu ku qanciyo laba senator oo xisbigiisa ah.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa isku dayay inuu dib u habeeyo qaanuunka filibusterka, isagoo hoos ugu dhigay tirada ansixita xeerkan 50-cod oo markii hore aheyd 60-cod.

Labadan Senator ayaa sheegay inay taageersan yihiin sharcigan, laakiin aysan diyaar u aheyn wax ka beddelka xeerarka Senate-ka.

Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 xidhibaan ayaa hadda u kala qeybsan 50-50, waaloow Dimuqraadiyiintu ay leeyihiin aqlabiyada ciriir ah, maadaama madaxweyen ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay leedahay codka jebinta barbardhac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor