Dowladda Soomaaliya oo wada qorshe dalka dib loogu soo celinayo Tahriibayaal xiran

Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Tanzania ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo heli lahaa xogta iyo tirada dhammaan tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaas, loona fududeyn lahaa in dalka dib loogu soo celiyo tahriibayaasha ku dhibaateysan guud ahaan xabsiyada Tanzania.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania xustay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midawga Tanzania H.E Marwo Samia Sahulu Hassan ay ballan qaaday in la sii daayo dhalinyarada Soomaalida ah ee tahriibka lagu soo qalday, ee ku xiran dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda wadamada Bariga Afrika ee Tanzania, Hay’adda Socdaalka, Xabsiyada (Asluubta) ee Wasaarada Arimaha Gudaha Tanzania iyo Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa haatan hormuud ka ah sidii laysaga kaashanlahaa oo dib loogu soo celin lahaa dhalinayarada, gudaha dalka Somalia.

“Hadaba waxaan jaaliyadda, waalidiinta iyo walaalaha kale ee ka walwalsan dhallinyaradaas xabsiyada ku jira la socodsiinaynaa in laga warqabo gacantana lagu hayo tirada, magacyada, iyo sawirada tahriibayaasha welina ay socoto ka shaqayntooda” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Tanzania.

Safaaradda ayaa codsatay in iyaga iyo Dawladda Tanzania lagu kalsoonaado, isla markaana looga dambeeyo arrimaha dhallinyarada tahriibka u xiran ee xabsiyada Tanzania ku jira.

“Waxaa kale oo la idinku wargelinayaa in ay ka shaqayntoodu nagula jiraan ha’yaddo kale oo calami ah sida UN-IOM, kuwaasoo qayb libaax ka qaadanaya nagana taageeraya dib-u-celinta iyo arrimo kale oo la xiriira dib-u-dejintooda iyo shaqo-abuurkooda” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Safaaradda…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor