• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, July 19, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(Magaca): Muwadin Somali oo xalay lagu dilay dalka Australia.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 21, 2016
in Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muwaadin Somali oo Dareewal Taksi ka ahaa dalka Australia ayaa la sheegay in xalay la dilay, xilli uu ku sii jeeday Hoygiisa oo ku yaalla  Deegaanka Fizroy oo 2 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Melbourne ee Gobalka Victoria ee dalkaasi.

Marxuumkaasi oo 31 jir ahaa ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay qaarka sare ee Jirkiisa, xilli uu sii geli lahaa Dhismaha uu la deganaa Waalidkiisa.

Saraakiisha Boliska ee Saldhigga Fitzroy Police Station ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii loo badbaadin lahaa Dareewalkaasi, balse uu isla goobtii uu ku naf baxay abaarihii 11:30 Fiidnimo ee Xalay.

Warkan oo aan ka soo daalacanay Shabakadda Wararka ee 9news.com.au ee dalka Australia ayaa qortay inay Labo Goobjooge sheegeen inay arkayeen Nin dheer oo labisan dhar madow, isla markaana watay Boorsadda Garabka oo ka sii cararayey goobta uu dilku ka dhacay.

Marxuumka oo la oran jirey Maxamuud Xuseen, balse lagu naanaysi jirey Maxamuud Mukhtaar ayaa la sheegay inuu dhulka ku dhacay isla markii la dooxay, waxayna Boliska maydka dhinaciisa ka heleen Mobaylkiisa iyo Suunkiisa, mana kala cadda in wax laga dhacay iyo in kale.

Baarayaasha Boliska Australia waxay sheegeen inay baari doonaan dhacdadaasi, isla markaana qiimeyn doonaan Muuqaalka ay duubeen Kaamerooyinka Dahsoon ee CCTV ee ku rakiban Deegaanka xalay lagu dilay Muwaadinka Soomaaliga.

Taksiile kale oo saaxiib la ah Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabo Cabdulle Botaan ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay Jaalliyadda Soomaaliyeed waqti murugo u tahay dilka Marxuumkaasi oo uu sheegay inuu ahaa Nin fiican oo aan marna dad kale dhibaataynin.

Agaasimaha Fulinta ee Ururka Taksiilayaasha Gobalka Victoria, David Samuel waxa uu tacsi u diray qoyska uu ka baxay Marxuumkaasi oo uu tilmaamay in ahaa Dareewal u adeega Dadweynaha, gaar ahaan xilliyadda dambe.

©Radio Dalsan

Previous Post

War-Saxaafadeed: Xukuumadda oo sheegtay inay sameynayaan unug dabagala xogaha shabakadaha wax Tahriibiya

Next Post

UNHCR oo xaqiijisay inay 500 Tahriibayaal u badan Somali ku geeriyoodeen dooni ku degtay Badda Mediterraneanka.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Next Post

UNHCR oo xaqiijisay inay 500 Tahriibayaal u badan Somali ku geeriyoodeen dooni ku degtay Badda Mediterraneanka.

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

by Liban
July 19, 2025
0

Muqdisho - In a diplomatic move signaling deeper regional ties, Somalia’s Prime Minister Hamsa Abdi Barre welcomed Ambassador Abdalla Al-Otaibi, the Arab League’s...

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah martigelineysa wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la shaaciyay magacyada 301...

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Raascaseyr ayaa xaqiijinaya in markab siday shixnad hub oo culus lagu qabtay xeebaha Puntland, gaar...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

by Ilhaan
July 19, 2025
0

Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo...

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
English News

Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
Warar

Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
Warar

Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose
Warar

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination
English News

Puntland Intercepts Turkish-Marked Arms Ship off Bari Coast, Raising Alarms Over Somalia’s Military Coordination

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland
English News

Fresh Push for SSC-Khaatumo Administration as Delegates Gather in Lasanod Amid Political Tensions with Puntland

July 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Prime Minister Meets Arab League Envoy to Strengthen Political and Economic Cooperation
  • Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo oo mar kale ka furmay laascaanood
  • Markab Siday Hub Culus oo Lagu Qabtay Xeebaha Puntland
  • Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Jubada Hoose

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00