Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in laga yaabo inay dadkaasi ku qaraqmeen dooni Isbuucii hore ku quustay badda, kadib, markii ay Kooxaha Mukhalasiinta ay Tahriibayaal badan saareen Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Masar.
Hay’addu waxay sheegtay inay doonidaasi ku degtay meel aan la aqoonin oo u dhexeysa Xeebaha dalalka Libya iyo Talyaaniga, lana filayo inay 500 qof ku waayeen Noloshooda.
UNHCR waxay sheegtay in Markab Ganacsi uu bishan April 16-dii badbaadiyey 37 rag, 3 haween iyo ilmo 3-sanno jir ah , kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii la socday doonida degtay.
Dadka la badbaadiyey oo la gaarsiiyey dalka Giriigga ayaa kala ahaa 23 u dhalatay Somali, 11 Ethiopian, 6 Masaari iyo qof u dhashay Sudan.
Wararka la xiriira Masiibadaasi ayaa ku soo beegantay Sannad-guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay mid ka mid ah Masiibooyinkii ugu xumaa ee ka dhaca Badda Meditererranean-ka, kadib, markii uu Marakab Ganacsi herdiyey dooni ay la socdeenTahriibayaal lagu qiyaasay 800 oo qof, kuwaasi oo dhamaantooda geeriyooday.
©Radio Dalsan