Barta Twitter-ka ee Hawlgalka Diplomaasiyadda Maraykanka ee Somalia ayaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka ka go’an tahay in la helo Nidaamka Doorashadda ee Somalia oo lagu kalsoonaan karo.
Qoraalka waxaa kaloo looga digay Muwaadiniinta Maraykanka ee ka sugan meel ka baxsan dalkaasi lagu ciqaabi karo, haddii ay ku lug yeeshaan xaallado Musuq-maasaq Baahsan.
US committed to a credible electoral process in #Somalia; grave instances of corruption by US citizens overseas are punishable under US law
Qoraalka la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Safiirka Maraykanka ee Somalia ayaa ku soo beegantay, iyadoo ay Beesha Caalamka walaac xooggan ka muujiyeen Go’aano ka soo baxay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka, kuna fasaxeen dhowr xubno oo ka mid ah 11-kii Xubnood ee ay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafyadda Doorashadda horey u laaleen.
Dhinaca kale, Digniintan ayaa timid, iyadoo ay dhowr Somali-Maraykan ah ka mid yihiin Murashixiinta u taagan Madaxtinimadda Somalia, kuwaasi oo laga yaabo inay ku milmaan Falalka Musuqa iyo Iibsiga Codadka Xildhibaanadda, si loogu guuleysto Loolanka Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.
©Radio Dalsan