Hay’adda Adeegga Socdaalka ee dalka Denmark ayaa haatan baaritaan ku haysa sida ugu caqli-galsan ee Ku-dhawaad 100 Qaxooti Soomaali ah dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.
Qaar ka mid ah Qaxootigaasi ayaa ah Dad tababar daran oo u baahan Badbaadin Caalami, kuwaasi oo ay soo xushay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR si loo dejiyo Waddan 3-aad.
Madaxa Waaxda Magangelyo-doonka iyo Dib-u-celinta ee Golaha Qaxootiga Denmark (Danish Refugee Council), Eva Singer ayaa sheegtay in go’aankaasi yahay mid aan la aqbali karn.
“Marna ma arkin midna gudaha Denmark ama dalal kale wax la mid ah Qorshayaasha o oay samaynayaan, kadib, dhowr sanno oo dib-u-eegis lagu samaynayo haddii ay Qaxootigaasi dib ugu celin doonaan dalalkooda hooyo” ayey tiri Eva Singer.
Waxay intaasi ku daray in Tallaabadaasi sharci suurto-gal ahayd tan iyo sannadkii 2005-tii.
Dhinaca kale, Afhayeenka Sinnaanta Sinjiga iyo Is-dhexgalka ee magaalladda Enhedslisten ee dalka Denmark ayaa sheegay isla marka Qaxootiga la dejiyo waxay helayaan Badbaadin Joogto ah a permanent protection”.
Hay’adda Adeegga Socdaalka ee dalka Denmark ayaa qorsheynayso in 1,100 Qaxooti Soomaali ah lagala laabto Sharciga deganaanshaha ee ay ku joogaan gudaha Denmark, waxaana la filayaa in dib loogu soo celiyo Somalia.
Dowladda Denmark ayaa saadaalisay in Xaalladda Ammaanka ee Caasimadda Somalia ee Muqdisho tahay mid deggan.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa ka soo horjeeda Aragtidaasi, waxayna dhamaan Dowladaha xubnaha ka ah QM ka codsatay inaan Qaxootiga Soomaalida si khasab ah loogu soo celinin dalkooda Hooyo.
Somalia waxay haatan u diyaar garoobaysaa Doorashadda Madaxtinimadda oo asal ahaan la filayey in la qabto bishii August ee la soo dhaafy, balse waxaa dib loo dhigay ilaa bisha soo socota ee January ee sannadka 2017-ka.
©Radio Dalsan