Hadal-qoraal oo Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saartay shalay oo Jimco ah ayaa lagu sheegay inay jiraan cabsi laga qabo weeraro ay Dagaalamayaasha Alsshabaab kaa geystaan Goballadda Xeebta iyo W/bari Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.
Qoraalka La-talinta dhinaca Socdaalka ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saartay bishan January 13-dii ayaa looga digay Muwaadiniinta Maraykanka inay Feejignaan sare yeeshaan oo ku aadan khatarta Weeraradda la filan karo Iyo Khatarta sare ee Dembiyadda ee ka dhaca dalka Kenya.
Waxaa Muwaadiniinta Maraykanka laga mamnuucay inay u safraan Mandera, Wajeer, Gaarisa, Laamu, Malindi, Kilifi, Tana River iyo Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalladda Nairobi.
Safaaradda Maraykanka ee Kenya waxay iyadana ugu baaqday dadka Mraaykanka inay Qeybta Gaboowday ee magaalladda Mombasa booqdaan saacadaha maalintii, iska ilaaliyaan inay isticmaalaan doonyaha Xeebta Likoni cabsi dhinaac Ammaanka darteeda.
Digniinta waxaa kaloo lagu xusay inay had iyo jeer la filan karo inay dhaacaan rabshado, Dembiyadda Dilalka, Boobka, Afduubka, Dhaca Gaadiidka oo ay geystaan dabley hubeysan iyo guryaha oo la jabsado.
Dhinaca kale, Hadalka qoraalka ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saartay ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii ay Dadka Maraykanka uga digtay inay u soo socdaalaan Somalia, oo ay sheegtay cabsi ka iman karta Hawlgaladda socda ee Alshabaab.
Waxaa kaloo dadka Maraykanka si gaar ah looga digay inay u socdaalaan Maamul-gobaleedyadda Somaliland iyo Puntland iyo inay ka fogaadaan Xeebaha Somalia oo ay ku xooggan yihiin Kooxaha Burcad-baddeeda ee afduubka u geysta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska.
©Radio Dalsan