Muwaadiniinta Maraykanka oo looga digay inay u socdaalaan Ethiopia.

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa ugu baaqay Muwaadiniinta Maraykanka inaysan socdaal ku teegin Ethiopia oo ay weli ka socdaan Mashaqo Siyaasadeed iyo Dibadbaxyo lagu dilay Boqolaal qof, lana xadiday Socodka Diplomaasiyiinta joogta dalkaasi.

Dowladda Ethiopia waxay bishan October 8-dii soo saartay Wareegto Xukun Degdeg oo socon doonta muddo 6 bilood ah, iyadoo 15-kii bishan la oggolaaday in dadka la xiri iyadoo aan la haysanin Amar Maxkamadeed.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay in Haweeney Maraykan ah bilowgii bishan lagu dilay magaalladda Addis Abeba, iyadoo la burburiyey Wershado ay dad shisheeye lahaayeen.

Dibadbaxyo rabshadaysan ayey dhigeen Qowmiyadaha Oromoia iyo Amxaaro oo ay kaga horjeedaan Xuquuqda Siyaasadda iyo Lahaanshaha Dhulka.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor