Laba Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii lasoo dhaafay u geeriyooday dhaawacyo culus oo kasoo gaaray shil gaari oo ay ku galeen Magaalada Cape Town ee dalkaas Koonfur Afrika.
Raggaan Soomaalida ahaa ayaa waxaa dhaawacyo culus kasoo gaaray shil gaari oo ay galeen, waxaana dhaawacyadooda markii hore la geeyay Isbitaalka Groote Schuur ee Magaalada Cape Town, si loogu daaweyo, balse ay geeriyoodeen labada Muwaadin.
Allaha u naxariistee magacyada Muwaadiniinta dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Siciid Cabdi Cadow iyo Muxudiin Shigshigow, kuwaasi oo isla socday, xiligii shilka ku galayeen dalka Koonfur Afrika.
4-tii bishaan May 2022 ayey aheyd markii sidaan oo kale Muwaadin Soomaali ah uu Koonfur Afrika ugu geeriyooday shil, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano Taxis uu Muwaadinta watay, kala dhacay Buundo wada ka timaadda Fish Hoek oo ka tirsan Magaalada Cape Town.
Dalka Koonfur Afrika ayaa kamida ah dalalka ay Shilalka ugu badan Caalamka ka dhacaan ,waxaana dhowr jeer oo horey shilal halkaas ka dhacay ku dhintay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaas ku lahaa goobo Ganacsi.