Sida ay qoreen Warbaahinta dalka Sacuudiga iyo kuwa Khaliijka, waxaa qeybo ka mid ah dalka Sacuudiga ka da’ayey Roob xooggan, kaasi oo geystay Khasaare Nafeed iyo Hanti kale.
Wiil Soomaali oo 8 jir ah ayaana noqday Dhibanihii ugu horreeyey ee ku geeriyooday Roobka ka da’ay magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa Badda Cas.
Habeenkii Talaadada ee la soo dhaafay ayaa la helay maydka Wiilkaasi, waxayna Ciiddanka Jidda sheegeen inay Koronto qabsatay, xilli uu roobka ku dhex lugeynayey.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa amartay in baaritaano lagu sameeyo dhamaan shilalkii ka dhashay Roobabka, waxaana Baraha Bulshadda lagu dhaliilay Hawsha gaabiska ee Kooxaha Gurmadka.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi, Sheekh Sacuud Bin C/llaahi Al-mucajab ayaa u fasaxay Hay’addaha Baaritaanka inay soo xiraan, soona taagaan Sharciga kuwa lagu helo inay dayaceen Hawlihii Gurmadka ee dadkii waxyeelladda ka soo gaareen Daadadka ka dhashay roobkaasi.
Dugsiyadda Waxbarashadda ee magaallooyinka Jiddah iyo Maka Al-mukarama ayaa si KMG loo xiray, waxaana uu dib u dhac ku yimid Diyaaradihii ku degi jirey Garoonka magaalladda Jidda.