Allaha u Naxariistee waxaa xalay lagu hor dilay Goob Ganacsi uu ku lahaa dalka Koonfur Afrika Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada DURPND ee gudaha dalkaas,waxaan muwaadinkaas oo lagu Magacaabi jiray Khaliif Maxamed toogasho ku dilay Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah,iyaga oo goobta ka baxsaday.
Khaliif ayaa ka mid ahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ganacsi ahaan u joogay dalka koonfur Afrika,ayaa xalay ka mid noqday Ganacsatada Soomaaliyeed ee sida bareerka ah maalin walba loogu dilo Gudaha dalka Koonfur Afrika.
“Koox Burcad Madow Koonfur Afrikan ah ayaa kusoo weerartay goobtooda Ganacsi xilli ay Shaqada ka baxayeen waxa ayna ku fureen rasaas farabadan taas oo sababtay in Khaliif uu geeriyoodo,sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka koonfur Afrika ilaa iyo hadana majirto Ruux loo qabtay in uu ka dambeeyey dilalkaas.