DEG DEG: Diyaarad wada ciidamo sugaya ammaanka Madaxweynaha Turkiga oo soo gaaray Muqisho

Waxa goor dhaw soo gaartay diyaarad waday koox qaabilsan dhinaca amniga oo horu dhac u ah safar berito uu ku imaan doono madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan magaalada Muqdisho.

Erdogan ayaa imminka ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uuna berito ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Waa Booqashadiisa seddexaad muddo 5 sanno ah,waana mid kamid ah madaxdii ugu horeysay ee dalka soo booqda tan iyo burburkii wadanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor