Dhambaal laga siday Xasan Sheekh oo la gaarsiiyay Boqorka Dalka Baxrayn

Ergayga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha ayaa maanta dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aaddan gurmadka abaaraha gaarsiiyay Boqorka Dalka Baxrayn, Xamad Bin Ciisa.

Ergeyga ayaa waxaa dhanbaalka ka guddoomay Raysalwasaaraha dalka, ahna dhaxalsugeha Boqorka, Salmaan Bin Xamad. Ergeyga ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey xaalada ba’an ee saamaynta abaarahu ku yeelatay in ka badan 7.7 Malyan oo Soomaali ah, iyo sidii ay dawladda Baxrayn gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha.

Dawlada Baxrayn ayaa ballan qaadday in ay gacan ka gaysan doonto gurmadka abaaraha, iyada oo uu dhinaca kalena,  Raysalwasaaruhu kaga tacsiyeeyey dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed xasuqii ay AL-Shabaab ka gaysteen Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor