Waxaa Maanta Magaalada Capetown ee Wadanka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ku Ganacsada dalkaasi.
Dad ku sugan Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay tuulada Paarl oo ย ka tirsan Magaalada Capetown,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Muwaadinkaaas.
Allaha u Naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabu jirayย Xuseen Muxumud Xasan,kaasi oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika.
Inta badan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaasi,iyadoona sanadkan gudihiisa lagu dilay Koonfur Afrika in kabadan 10 qof oo ah Muwaadiniin Soomaaliyeed,kuwaasi oo kamid ahaa dhalinyarada ku Ganacsada dalkaas.