Sida lagu soo daabacay Wargeyska Times of Malta, waxay Boliska gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo lagu magacaabo Ibrahim Muxiyadiin Cumar, kaasi oo lagu eedeeyey inuu toorey ku handaday Nin Kale.
Eedeysanaha oo 33 jir ayaa ku gacan sayray Eedeyntaasi, waxa kale oo uu diiday inuu Boliska faahfaahin ka siiyo Aqoonsiga iyo Shaqsiyadiisa.
Baarayaasha Boliska ayaa sheegay in Eedeysanaha la soo qabtay, kadib, markii uu nin kale ku handaday Tooreey dhismo ku yaalla Deegaanka Masiida.
Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay ku gacan sayrtay in Eedeysanaha lagu sii daayo Damiin, waxayna amartay in lagu sii hayo Xabsiga, inta ay Boliska ku hawlan yihiin Baaritaankooda.
©Radio DalsanÂ