Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Cismaan Cumar C/kariim oo 22-jir ah ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa Dhallinyaro Ajaaniib ah oo loo haysto inay bishii hore jir-dileen nin kale oo aan la shaacinin dalka uu ka soo jeedo.
Baarayaasha Boliska Malta ayaa la sheegay inay Ninka Soomaliga ka dhigteen bar-tilmaameed, kadib, markii la sheegay inuu ku lug lahaa dagaalki bishii November 24-dii ka dhacay magaalladda Sant Julian.
Boliska waxay sheegeen in Ninka Soomaaliga iyo tiro dhallinyaro shisheeye ah ay si wadajir ah u garaaceen Dhibane, iyagoo ku feeray dhagxaan.
Cismaan Cumar C/kariim oo aan wax cinwaan guri ku lahayn Jesiiradda Malta waxaa la sheegay in shalay la hor geeyey Maxkamadda, wuxuuna beeniyey inuu ku lug lahaa fal-dembiyeedka lagu soo oogay.
Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda oo lagu magacaabo Doreen Clarke,waxa uu amar ku bixiyey in Eedeysanaha lagu sii hayo Xabsiga, maadaama uusan lahayn Cinwaan Degaan oo loogu hagaagi karo, laguna sii dayn Karin damiin.
Xigasho: timesofmalta.com