Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu maanta qoray in laga cabsi qabo in Muwaadin Kenyan ka mid yahay 12-kii qof ee shalay lagu dilay gudaha Hotelka Saxafi.
Wargeysku ma sheegin magaca Ninka la tuhunsan yahay in la dilay iyo waxa ay ahayd shaqadiisa.
Ilo dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Diplomaasiyiinta Kenyanka ee ku sugan Caasimadda Somalia ay wada bad-qabaan.
Dhinaca kale, War Qoraal oo ka soo baxay Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia ayaa lagu cambaareeyey weerarki iay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay ku qaadeen Hotelka Saxafi.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan Iskaashiga iyo Taageeradda ay Dowladda iyo Ciiddanka Somalia ka siinayaan sidii looga hortegi lahaa Weeraradda Alshabaab.
Ururka Midowga Afrika, waxay kaloo ammaaneen sida ay Dowladda Federalka degdeg uga jawaabtay Weerarkaasi iyo qaabkii koobnaa ee loo soo af-meeray weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi.