Danjiraha Dowladda Britain uga wakiilka ah Somalia, Ambassador Harriet Mathews ayaa shaaca ka qaaday inay bixin doonaan Mushaarka Ciiddanka Somalia, gaar ahaan Qeybta 60-aad.
Ambassador Harriet Mathews ayaa hadalkaasi ka sheegtay Kulan ay Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ku yeesheen Xarunta Safaaradda Britain ee magaalladda Muqdisho.
Danjiraha waxay sheegtay inay Dowladda Britain dardar gelinayso Taageeradda ay siiyaan Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia, waxayna xustay inay dib u dhisi doonaan Xeryaha iyo Xarumaha Ciiddanka Somalia ee ku burburay Dagaalladda Sokeeye.
Ambassador Harriet Mathews waxay ka tacsideysay dadkii ku geeriyooday Weerarkii ay Dagalaamyaasha Alshabaab shalay ku qaadeen Hotelka Saxafi.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ka hadlay Kulankaasi, waxa uu Dowladda Britain uga mahad-celiyey taageeradda joogtadda ee ay ku taakuleeyaan Milliteriga Somalia, wuxuuna ka codsaday Taageeradda iyo Tababaradda sare loogu qaadayo Tayadda Ciiddanka Somalia.
Kulanka Safiirka Somalia u jooga Somalia iyo Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo uu Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, David Cameron horey u sheegay bishii September 27-dii ee sannadkan  inuu 70 Ciiddan Khaas ah u soo dirayo Somalia, si ay gacan uga geystaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.