Xiisad iyo Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo geeridii Muwaadin Somali Canadian ayaa waxay ka socdaan qeybo ka mid ah dalkaasi.
Marxuumka oo la oran jirey Abdirahman Abdi ayaa ku geeriyooday gacanta Boliska dalkaasi.
Afhayeenadda Golaha Muslimiinta Qaranka Kanada, Amiira Elqawabi ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Labada Sarkaal ee ku lugta leh dilka la hor keeno Caddaalada.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahimta dalkaasi inay Marxuumka garaaceen Saraakiil ka tirsan Boliska Ottawa, iyadoo Muuqaal Video oo la soo dhigay Internetka muujinayo Nin wata shaar dhiig leh oo dhulka jiifa, oo labada gacmooda ka jeebadaysan..
Unugga Baaritaanadda Khaaska ee Gobalka Ontario ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu u geriyooday Marxuumka, iyadoo ay Qoyskiisa sheegeen inuu geeriyoodeen 45 daqiiqo ka hor inta aan Marxuumka la geynin Isbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ottawa.
©Radio Dalsan