Wareeggii Labaad ee Doorashadda Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa waxa isugu soo haray Musharixiinta Axmed Macallim Fiqi, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Axmed C/salaam Xaaji.
Wareeggii Koowaad waxaa ku haray Musharaxiinta Cabdi Xsaan Cawaale “Qeybdiidâ€, Xasan Maxamed Nuur Qalaad iyo Maxamed Cilmi Afrax.
Xeeldheerayaasha ayaa sheegay inay isku soo hareen Musharixiinta ay Radio Dalsan horey u saaadaaliyeen, wuxuuna Wareegga Labaad oo haatan socda u muuqda mid aad uga xamaasad badan kii hore.
Xildhibaanadii horey ugu codeeyey Musharixiintii ku haray Wareegga Koowaad ayaa la sheegay inay u badan yihiin inay ugu shubaan C/kariim Guuleed ama Axmed Macallim Fiqi.
Wixii natiijo aha ee ka soo baxa Wareegga labaad ee haatan la guda gaalay si toos ah ugala socda Radio Dalsan iyo Webka www.radiodalsan.com