War-saxaafadeed ay soo saareen Lix ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda ayey ku sheegeen inay ka soo horjeedeen Go’aankii Madaxda Hoggaamiyayaasha Qaran bishan 24-dii ka soo baxay, kuna aadanaa in 18 xubnood oo cusub lagu soo kordhiyey Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey iuu Dastuurka qeexayo in Aqalka Sare ka koobnaan doono 54-xubnood, waxayna sheegeen inaysan aqoonsanayn Kordhinta haatan lagu dhaawaqay.
Musharixiinta soo saaray War-saxaafadeedka waxay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee QM inaysan oggolaanin Go’aanadda Madasha soo saareen.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay bisha soo socoto ee January 19-da ee sannadka 2017-ka yeeshaan Shir ay kaga hadli doonaan Arrimaha Somalia.
Dhinaca kale, Musharixiinta Madaxweynaha ee War-saxaafadeedka ku saxiixan ayaa kala ah: C/raxmaan C/shakuur Warsame, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Maxamuud Axmed Tarzan, Maxamed Cali Ameeriko, , C/qaadir Cosoble Cali iyo Saciid C/llaahi Deni.
Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhamaystiran: