Wejigii Koowaad ee lagu dooranayo xubnaha Maamulka HirShabelle uga mid noqonayo Barlamaanka soo socda ayaa duhurnimaddii maanta ka bilaabantay Hoolka Shirarka ee magaalladda Jowhar.
Musharixiinta ku tartamayo xubnahaasi ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Masuuliyiin xilal ka soo qabtay Dowladihii soo maray dalkeenna.
Musharixiinta ilaa iyo haatan ku soo baxay Cod-bixintaasi ayaa waxaa ka mid ah:- Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono iyo Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.
Waxaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Jowhar doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee deegaanada Hirshabeelle, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay u tartamayeen, kuwaasi oo xilal ka haya dowladda iyo Xildhibaano hore.
Dhinaca kale, waxaa goor dhow loo codeyn doonaa Musharixiinta C/fataax Xasan Afrax iyo Ambassador Maxamed Cali Sanbalooshe.
©Radio Dalsan