Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Qoraalo ay soo saareen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa marka hore ay ku Cambaareeyeen qaraxii lagu weeraray Saraakiisha Ciidan iyo dad shacab ah oo marayay wadada, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin falkaas dhacay.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sigaar ah uga tacsiyeeyay geerida Taliyihii Saldhiga Booliska Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye ku-xigeenkii qeybta Weliyow Cadde Gaashaanle Cabdibaasid Maxamuud Cageey.
Sheekh Shariif ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto Saraakiisha Ciidan iyo dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay dhacay, wuxuuna dadka dhaawacamay uu Alle uga baryay inuu siiyo Caafimaad Deg-deg ah.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, bahda Booliska, ehelada & qoysaskii ay ka baxeen Saraakiishii iyo askartii lagu dilay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada qaraxii ee lagu weeraray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda oo ku sugnaa Saldhiga Waaberi, iyagoona sheegay inay ku dileen Taliyihii Booliska Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo ku-xigeenkii Booliska qeybta Waliyoow Cadde, ayna ku dhaawaceen Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.