Sahanka Cod-ururintii ugu dambeysay ee ay qaadeen Wakaalladda Wararka REUTERS iyo IPSOS ayaa muujinaya inay Hillary Clinton aasd uga horreyso Musharaxa kale ee Mayalka Adag ee Donald Trump.
Cod-ururunta ayaa muujinayso inay Hillary Clinton 45% ku hoggaaminayo Donald Trump oo isagu 42% helay cod-ururintaasi, waxaana la filayaa in maanta loo codeeyo Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka.
Dhinaca kale, Ku-dhawaad 40,000 oo Taageerayaasha Hillary Clinton oo ay wehliyeen Madaxweyne Obama iyo Xaaskiisa ayaa xalay dhigay Isku-soo-bax ay ku taageerayaan Musharax Hillary Clinton.
©Radio Dalsan