Dr. Saciid C/llaahi Dani oo ka mid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimadda ayaa waxa uu shalay ku qabtay magaalladda Muqdisho munaasabad heer sare ah oo uu ku shaaciyey Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda ee la qaban doono dabayaaqadda sannadkan 2016ka.
Musharax a oo ah Xildhibaan iyo Ganacsade caan ah waxa uu ugu baaqay Madaxda haatan haysa Talada dalka inay ka dhabeeyaan sidii ay Doorashadda ugu dhici lahay xilligii loogu talagalay.
“Qabsoomida Doorashadda waxaa horey loogu dhawaaqay sannadkii 2012kii, mana aha inay Hoggaamiyayaasha dadka ku jahwareeriyaan Shirar ay ku sheegaan inay kaga hadlayaan Qabsoomida Doorashadda†ayuu yiri Musharax Madaxweyne Dr. Saciid Dani.
Waxa uu intaasi ku daray inay Hoggaamiyayaasha waqti badan kaga lumiyeen Shirar ay ku sheegaan inay kaga hadlaan Qabsoomida Doorashadda.
Musharax  Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu tilmaamay inay dadka Soomaalida yahay Mufakariin Caaqil ah,oo aan la marin-habaabin Karin, isla markaana ay diyaar u yihiin inay dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah.
Musharax Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu ku booriyey Madaxda haatam Talada Qaranka ku booriyey in Doorashadda la qabto xilligii loogu tala-galay, oo aan dib loo dhigin.
Musharax Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa kale oo uu Tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey Nidaamka Dowladnimadda, Â Is-jiidjiidka Siyaasiinta Muxafidka iyo Mucaaradka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Mucaaradnimadda tahay Nidaam wax lagu saxo, wuxuuna ku baaqay in la yeesho Adkeysi Siyaasadeed, oo aysan Madaxdu ka dhiidhiinin marka la naqdinayo qaladaadkooda.
Dhinaca kale, Musharax Madaxyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu Ololihiisa ka bilaabo magaalladda Muqdisho, maadaama ay tahay Caasimadda dalka iyo Xarunta ay Dowladda ka hawlgasho.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu gari doono Goballadda dalka, si uu Dadweynaha ugu sharxo Musharxnimadxiisa, uguna bandhigo Qorshihiisa Shaqo ee uu qaban doono haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimadda.
Musharax Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani waxa uu sheegay inay Somalia u tahay Dowlad Dimuqraadi, Dowlad Midnimo, Dowlad Isla Xisaabtan iyo Dowlad ka shaqeysa Danaha Qaranka.
Munaasabadda uu Musharaxu mar Labaad kaga dhawaaqay Doorashadda Madaxtinimadda oo lagu qabtay Hayat Hotel ee magaalladda Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay boqolaal qof oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.
Musharax Madaxweyne Dr. Saciid C/llaahi Dani oo ka tirsan Mudanayaasha BFS, ahna Ganacsade deggan Dubai waxa uu markii ugu horreysay Musharxnimadiisa kaga dhawaaqay magaalladda Nairobi bishii April14-dii ee sannadkan.
Si kastaba ha ahaatee, Musharaxu waxa uu Taageero, magac iyo maamuus ku dhex leeyahay Gudaha iyo Dibedda, wuxuuna Khibrad u leeyihiin Nidaamka Hoggaminta Dowlad-wanaagga, Horumarinta Danaha Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga.
©Radio Dalsan