Weli waxaa Magalada Garoowe ka socota hadal jeedinta musharixinta Madaxweynaha Puntland,iyaga oo balan qaadayay in hadii uu guuleysto uu wax badan qaban doono.
Musharax Khaiif Ciise Mudan ayaa sheegay in hadii uu guuleysto uu marka hore uu xooga saari doono sidii Al-Shabaab uga sifeyn lahaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo,isla markaana uu amniga diirada saari doono.
Sidoo kale khudbadiisa ayaa waxaa ku jirtay in hadii la doorto uu Gacanta Puntland kusoo celin doono Dekadda Magaalada Boosaaso oo hadda ay maamusho Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.
Heshiis dhexmaray Xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo Shirkada DP World ayaa dekada Magalada Boosaaso lagula wareegay,waxana heshiiskaas kasoo horjeeday Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland.