Murashax Zakariye Maxamud Cabdi, oo wareysi gaar ah siiyay radio Dalsan ayaa faahfaahiyay hannaanka sua’aalo weydiinta tartamayaasha madaxtinimada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in saddex qof ay Murashixiiba weydiinayaan shan su’aalood oo isku mida.
Waxa uu tilmaamay in hannaankaasi waafaqsanyahay wadamada horumaray sida su’aalo u weydiiyaan murashixiinta.
“Dadka waxaa weeye wey dhageysanayaan su’aalaha la weydiinayo ee iyagu kama qeybgalayaan” ayuu yiri Murashax Zakariye.
Dhinaca kale, waxa uu soo qaaday xaqqa warbaahinta ee ka qeybgalka dooddaasi.
“Annaga waxaan horay u gudbinnay Motion ay ku dlabayaan in warbaahinta goobjoog ka noqdaan dooddaasi, laakin ma ogin haddii wax-ka-bedel lagu sameeyay” ayuu yiri.
Doodda Murashixiinta ayaa Talaadada maanta ah si toos ah looga sii deynayo warbaahinta ay dowladda Maamusho, gaar ahaan Hilinka SNTV, ayaa nidaam ku cusub habka doorashooyinka Somaliya, laakin dad badan ayaa su’aal geliyay sababta loo horistaagay warbaahinta madaxa bannaan iyo Kor-joogtada kale.