Muqdisho oo Lagu Dooranayo Xildhibaanadii ugu Danbeeyey ee Aqalka Sare.

Waxaa goordhow maanta oo Talaado ah magaalada caasimada Muqdisho ka dhacaya Doarshada labadii kusri ee ugu Danbeysay Xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare taasi oo lagu wado in goordhow ay ka dhacdo Muqdisho.

Doorashada ayaa ka dhaceeysa Xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdisho waana kuraastii ugu danbeysay xubnaha Aqalka Sare ee Degaanada Maamulka Soomaaliland iyadoo ay ku tartamaayan xubna dhowr ah oo daneynaya kamid noqoshada Baalamaanka Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada  ee gobolada Waqooyi ayaa Shaaciyey  in xildhibaanadaan ay noqonayaan  kuwii ugu dambeeyey ee loo dooranayo Aqalka Sare waxaana horey loo doortay 52 senator oo Gudoomiye udoortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi kadib Doorasho ka dhacday Xarunta Kmg ee Aqalksa Sare.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media