Muhaarijiin kala-bar Soomaali ahaa oo lagu qabtay Giriigga

Boliska dalka Giriigga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, kuwaasi oo lagu tahriibinayey gaari Xamuul oo watay Taariiko diiwaan-gashan oo la so oxaday.

Shabakadda Wararka ee novinite.com ayaa qoray inay Boliska gaarigaasi ku joojiyeen Jimcihii la soo dhaafay Bariga magaalladda Thesaloniki, iyadoo uu gaarigaasi ku safrayey Taariko ka diiwaan gashan dalka Bulgaria oo la soo xaday.

Dareewalka gaariga oo u dhashay dalka Bulgaria waxaa la sheegay in la xiray, kadib, markii ay Boliska qabteen.

Muhaajiriinta oo tiradoodu guud dhamayd 59 qof oo kala bar Soomaali ahaa, waxay inta kale ka soo kala jeedeen dalalka Sudan, Eritrea, Falastiin, Masar, Iraq iyo Bangaladesh.

Muhaajiriinta oo lagu soo qariyey xamuul uu waday gaarigaasi waxay u sheegeen Boliska inuu mid kasta lacag dhan 1,500 oo EURO siiyey Mukhalasiin joogta gudaha Turkiha, kuwaasi oo iyaga ka tagaeeray inay Dooni ku soo galaan dalka Giriigga, ka hor inta aysan soo raacin gaariga xamuulka ee lagu qabtay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media