Dhageyso:-Ilmihii yaraa ee laga xaday Isbitaalka SOS oo dib ula Midoobey Hooyadiis + Sawirro

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney gelinkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay Isbitaalka SOS ka xaday Canug yar oo dhalnaa 24 Saacadood.

Ciidamada ayaa howlgal ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir kusoo qabtay Haweeneyda oo marka horey lagu tuhunsanaa inay Canugaas ka xaday Isbitaalka SOS ee ku yaalla Degmada Hiliwaa,iyadoona lala qabtay 4 ruux oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen Kiiskaas,kadib markii Ciidanka lagu wargeliyay in gudaha Degmada Hodan ay joogto Haweeney looga shakiyay inay sido Canug dhalan.

Xarunta Hay’adaha Dembi Baarista ee CID-da ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray dadkii ay Ciidamada u soo qabteen Kiiska Canuga yar ,kaasi oo la xaday isaga oo dhalan 24-saacadood.

Ayeeyo Xaawo Maxamed Maxamud oo dhashay Hooyada laga xaday Canug yar oo la hadashay Dalsan ayaa u sheegtay inay aad uga faraxsan tahay in Caawa loo keenay Canugeeda oo ka maqnaa.

“ Waxaan ku faraxsanahay in Caawa wiilkeygi la iga xaday uu dhabta  uu ii saaranyahay waxaan u mahad celinayaa intii ka qeybygashay dadaalkii lagu helay “.

Sidoo kale Ayeeyo Xaawo Maxamed Maxamud ayaa aad ugu mahad celisay Bahda Warbaahinta Dalsan oo kaalin weyn ka qaatay sidii loo heli lahaa Canugaa yar,isla markaana baahiyay muuqaalka Hooyo Xaawo oo dalbaneysa inay garab lagu siiyo helida Canugeeda.

Isbitaalka SOS ee ku yaalla Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay lagu xaday Canugii yaraa ee la helay,kaasi oo Qoskiisa ka maqna 48-Saacadood,waxaana iska kaashaday qabashadiisa Maamulada degmooyinka Hodan iyo Hilwaa.

Hoos ka Dhageyso Codka Ayeeyo Xaawo Maxamed Maxamud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media