Koox Senatoro ah oo ka socda Xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay dhawaan booqasho hawleed ku yimaadaan dalka Ethiopia, si ay ugu kuur-galaan Xaalladda Kumanaanka Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xerooyinka Qaxootiga ee Ethiopia, gaar ahaan Xerooyinka Dollo Addo, Â iyo Aw-barre oo ka tirsan Jigjiga.
Senotor Al Franken iyo Betty MacCollum oo ka tirsan Xisbiga haya Talada Maraykanka ee Democratic Party, lagana soo doorto magaalladda Saint Paul oo ay ku nool yihiin Jaalliyadda ugu ballaaran ee Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa sheegay inay diiradda saari doonaan Xaalladda Guud ee Qaxootiga Soomaalida ku nool Ethiopia.
Wafdiga ka tirsan Xisbiyadda Maraykanka ayaa noqon doona Wafdigii ugu sarreeyey oo Maraykan ah oo booqasho ku taga Xerooyinka Qaxootiga ee dalka Ethiopia, oo ay ku jiraan Qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 265,000 oo qof.
Dhinaca kale, Wafdiga Mudanayaasha Maraykanka waxaa kaloo u qorsheysan inay boodaan dalalka Senegal, Rwanda, Gabon iyo Cape Verde.
© Radio Dalsan