Milliteriga iyo Boliska Kenya ee ku sugan W/bari ee dalkaasi oo khatar ugu jira inay isku dhacaan

Milliteriga dalkaasi waxay si kulul ugu eedeyeen Boliska ka hawl-gala Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia inay fudueeyaan  inay Alshabaab iyo Badeecadaha Kontorobaanka u soo gudbaan gudaha Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraal ay Milliteriga dalkaasi u gudbiyeen Dowladda Kenya ayey ku sheegeen in inta badan Sonkorta ay ku qabteen Ganacsatadda aan sharciga ahayn ay yihiin kuwo gacan-saar la leh  Dagaalamayaasha Alashabaab, waxaa sidaa lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Tuko ee laga leeyahay Kenya.

Shabakadda Tuko.co.ke ayaa sheegtay inay arkeen Dacwadda Eedeymaha ee ay Milliteriga Kenya bishan Feberaayo 1-dii u direen  Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Taliyaha Boliska iyo Dacwad-oogaha dalkaasi oo ay ku sheegeen inay Boliska dhiiri-gelinayaan sidii Ganacsiga Kontorobaanka loogu soo gudbin lahaa gudaha Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Boliska Saldhigga Deegaanka Habaas-weyne ay gaadiidka Dowladda u adeegsadaan inay ku soo daabulaan Badeecadaha Kontorobaanka ka soo gudba dhinaca Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Koox ka tirsan Milliteriga Kenya oo ka yimid Xeradda Milliteri ee Deegaanka Dadajabula ee Degmadda Wajeer ayaa sheegay in laga hor-joogsaday inay baaraan Bakhaaro, si ay u baaraan Badeecado Kontorobaan oo la la’aa.

Qoraalka Milliteriga Kenya u direen Dowladda dalkaasi waxay ku sheegeen inay dareemayaan Niyad-jab, isla markaana haddii aan cabashadooda wax laga qabanin ay  wax u dhimi doonto Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Alshabaabka inta badan weeraradda ka fuliya gudaha Kenya.

Milliteriga iyo Boliska Kenya ee ku wada sugan Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia  waxay khatar ugu jiraan inay isku dhacaan, sida ay ka digeen Milliteriga dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor