Millateriga Somaliland oo dad Shacab ah ku dilay Galbeedka Laascaano

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidanka Somaliland ay dileen dad shacab ah oo ku sugnaa Tuulo u dhaw Magaalada Laascaano ee Xaruunta Gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaaraya ayaa Tilmamaya in Ciidanku ay weerar kuq aadeen goob la sheegay inay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ka madaxbanaan dhinacyada dagaalamaya.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay sida aynu wararka ku helayno deegaanka Tuulo-samakaab oo dhacda galbeedka Laascaanood, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaaac leh.

Sida wararkii ugu dambeeyy ay sheegayaan Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaar kalena waa ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu qaaday dadka shacabka ah.

Arrintaan ayaa imaanaya kadib markii Xalay dagaal xooggan uu ka dhacay galbeedka Laascaano, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in tan iyo xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayen.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor