Bannaanbaxyada oo sii Xoogaystay iyo Calanka Buluugga oo ka Babanaya Boorama

Bannaanbaxyada Saaka ka billawday Magaaalada Boorama ayaa sii xoogaystay,iyadoo qaybo badan oo muhiim ah ay dad caraysani la wareegeen, waxaana la arkayaa dadweyne farabadan oo xiray Waddooyinka waa weyn Magaalada.

Xaruuntii Gobolka iyo Goobo kale ayay dadweynaha Caraysani la wareegeen, waxaana magaalada lagu arkayaa Boqolaal shacab ah, kuwaasi oo gubaya Taayeero sidoo kalena ku qaylinaya Erayo ka dhan ah Maamulka Gobolka.

Dadka shacbka ah ayaa maamulka waxaa ay ka qabaan tabashooyin waa weyn,kuwaasi oo dhawaanahaan soo jiitamayay, waxaana arrintu ay cirka isku sii shareertay kadib markii Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka uu Lawyacado ku dilay Nin Taliye ahaa oo lagu magacaabi jiray Khadar Maxamed Caynaanshe.

Calanka Buluugga oo mamnuuc ka ah degaanada Somaliland ayaa Saaka la suray waddooyinka waa weyn, taasi oo muujinaysa awoodda Bannaanbaxa, waxaana Xaaladda Boorama lagu sifayn karaa kacdoonkii Laascaanood oo kale.

Ciidamada ayaa Rasaas oodda kaga qaaday dad dibadbaxaya,w axaana la sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor