Midowga Yurub iyo UNHABITAT oo sharaxay saamaynta mashruuca SECIL ee Muqdisho

Maanta, Midowga Yurub iyo UNHABITAT ayaa soo gebagebeeyey mashruuca SECIL oo abuuray shaqooyin iyo adeegyada hoose ee dadka deegaanka Muqdisho saddexdii sano iyo badhkii la soo dhaafay. Iyada oo lagu bixiyey lacag dhan 3.5 Milyan oo EURO. Midowga Yurub iyo UNHABITAT oo fulinaysay Mashruuca ayaa waxay dayactireen suuqyo muhiim ah, nidaamka ururinta khashinka adkaha oo la aas aasay, waxaa sare loo qaaday shuruucda iyo xirfadaha waaxda dhismaha, waxaa la sameeyey shaybaarro lagu baaro tayada biyaha iyo tayada qalabka dhismaha, waxaa sare loo qaaday helitaanka biyo nadiif ah, waxaa la aas aasay Xarunta Farsamadda Tababarada iyo sidoo kale waxaa la abuuray fursado qiimo badan oo shaqo abuuris iyo hab-nololeedka kooxaha bulshada ee ku shaqeeya habab qiimo jaban oo wax soo saar.
“Mashruuca SECIL wuxuu guul wayn u yahay caasimadda Soomaaliya, Sidaa waxaa yidhi Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso. Wuxuu is bedel muuqda ku sameeyey nolosha dadka degan Muqdisho maalin kasta isagoo bixiyay biyo nadiif ah, deegaan nadiif ah iyo shaqooyin badan.  Taasina  waa waxay Soomalidu rabaan.
Mashruuca, “Joogtaynta Shaqo-abuurka iyo Sare u qaadista Hab-nololeedka dadka jilicsan ee Magaalada Muqdisho (SECIL)” wuxuu si dhow ula shaqeeyey Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) si loo hubiyo joogtaynta hawlaha mashruuca. Midowga Yurub iyo UN-Habitat iyo Maamulka Gobalka ayaa waxay sharaxeen habka gaarka ah ee mashruuca SECIL waxayna sidoo kale amaaneed muuqaalka horumarkiisa. Sidoo kale waxay ku nuux nuuxsaden taageerada buuxda ee ay u hayaan Dawladda Hoose sidii ay ula wareegi lahayd una joogtayna lahayd hawlaha mashruuca ee mustaqbalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor