Midowga Musharaxiintab Soomaaliya ayaa War kasoo saatay tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu xilka uga qaaday Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.
War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aanka uu Rooble xilalkii uga qaaday Taliyihii shaqaalaha Hay’adda NISA Cabdullaahi kullane iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaasi oo jebiyay amar uu soo saaray Rooble.
Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in tallaabada uu Ra’iisul Wasaaraha uga hortegayo xayiraadaha sharci darrada ah ee dhanka xorriyada safarka Muwaadiniinta iyo Mas’uuliyiinta ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka.
Sidoo kale Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan ee dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliya inay si wadajir u dhowraan Dastuurka u yaalla dalka, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac.
Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbaday inuu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka, iyagoona ku eedeeyay inuu faragelin ku haayo arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Musharaxiinta.