Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay dib u dhaca isbada-joogga ah, daahfurnaan la’aanta iyo daaha doorashooyinka dalka ku yimid.
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladda dalka haatan uu ku sugan yahay uusan aheyd mid xamili kara doorasho loo daahiyo danno guraccan ama la boobo, iyagoona sheegay in daaha doorashada dalka u horseedi karto xaalad cakiran iyo Codaal Sokeeye.
Golaha ayaa ku booriyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu dalka ku hoggaamiyo sida Dastuurka waafaqsan, ayna dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, isal markaana doorashada ku noqoto mid waqtigeedu cayiman yahay.
Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn in lagu khasbo kala xulashada doorasho raagta oo laga rajo dhigo ama la boobo, iyagoona dalbaday in la helo Jadwal doorasho oo mideysan kuna caddahay taariikhda bilowga doorashada Golaha Shacabka iyo dhammaankeeda.
Sidoo kale Musharaxiinta ayaa dalbaday in doorashada noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda , loona Madabanaaneeyo Odayaasha dhaqanka, Beesha kursiga ku asteeysan soo xulista ergada, isla markaana goobta doorashada ka dhaceyso loo sinnaado.
Golaha ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxayna caddeeyeen in aysan aqbali doonin doorasho aan Jadwalkeeda caddeynin.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.