Midowga Europe oo maanta Kulan degdeg ka yeelanayo geeridda ku timid Boqolaal Tahriibayaal oo ay Soomalida ku jireen

Iyadoo ay weli socdaan gurmadka lagu baadigoobayo boqolaalka Tahriibayaasha ee ay shalay doonida kula qalibantay meel ka baxsan Xeebaha Talyaaniga ayaa waxaa soo baxayo Baaqyo Caalami ah oo lagu muujinayo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto Tahriibayaasha ku le’anayo Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libya.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Franswaa Hollande, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Maatiyo Renzi, Guddoomiyaha Golaha Europe, Donald Tusk, iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka EU-da, Fedriika Mogheriini ayaa sheegay inay ka argagaxeen masiibadda ay ku hoobteen Tahriibayaashaasi oo tiradooda lagu sheegay 700 oo qof.

Madaxweynaha Faransiiska, oo wareysi siiyey Telefishinka Canal Plus ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad dheeraad oo wax looga qabanayo dhibaatadda Tahriibayaasha doonyaha ku soo safrayo.

Wasiirka Caddaaladda iyo Muhaajiriinta ee dalka Sweden, Morgan Johanesson ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Dowladaha ku mideysan EU-da waajib ku tahay inay qaadaan mas’uuliyadda xaalladda Qaxootiga.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Dowladaha ku jira EU-da ayaa lagu wadaa inay maanta shir degdeg ah ku yeeshaan dalka Luksanberg, si ay uga xaajoodaan Xiisadda Tahriibayaasha Shisheeyaha ee ku le’anaya Xeebaha Talyaaniga iyo Libya.

In ka badan 700 Tahriibayaal ay Soomaali ku jireen ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen dooni waaberigii hore ee shalay ku degtay meel 70-KM ka baxsan Xeebaha Libya, oo dhinaca Koonfurta kaga toosan Jesiiradda Lampedusa.

Kooxaha Gurmadka ayaa soo badbaadiyey 28-qof, waxayna heleen maydadka ilaa 24-qof.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor