Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu kaga hadlay Weerarkaasi, wuxuuna sheegay inay Ciiddanka Ammaanka ka hortageen Qaraxaasi oo uu tilmaamay inuu ahaa kii ugu ballaarnaa ee ay Alshabaab fuliyaan.
Waxa uu tilmaamay in gaarigii laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa inuusan gaarin hadafkii lala maaganaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ciiddanka ka hortageen inuusan geysanin khasaaro ballaaran.
“Waxaan ku bogaadinayaa Ciiddanka feejignaanta iyo Tallaabadda ay ka qaadeen Weerarkaasi” ayuu yiri Ergayga Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia.
Wuxuuna intaasi ku daray in Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM heegan ugu jiraan sidii ay uga guuleysan lahaayeen iyo inay u diidaan Fursad ay ku hawlgalaan, waa sida uu hadalka u yiri Ambassador Made
Dhinaca kale, Ergaygu waxa uu u tacsideeyey Qoysska ay dadka kaga geeriyoodeen Qarixii Hotelka SYL, wuxuuna u rajeeyey kuwii ku dhaawacmay inay ka bogsadaan dhaawacyadii soo gaaray.
©Radio Dalsan