Midowga Africa oo shegay in AMISOM laga saari doono Soomaaliya sanadka 2020

Midowga Africa ayaa sheegay in ciidankooda soomaaliya ay kala soo bixi doonaan, bisha December ee sanadka 2020, waxaa sidaasi lagu shaaciyay warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga.

“ Habkaan looga tagaayo soomaaliya, waxaa diyaariyay golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga, waxaana dib loola soo laaban doonaa ku-dhowaad 22,000 askeri oo ku howlagala magaca AMISOM, kuwaasoo dowlada soomaaliya ka caawiya la dagaalank Xarakada Al Shabab” sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qorshahaan ayaa go’aankiisa waxaa lagaaray todobaadkaan, kadib kulan ka dhacay magaaladda Addis Ababa 29 bishii june ee sandkaan 2016.

Sidoo kale waxaa ay madaxda midowga Africa ay sheegeen in mus’uuliyada ammaanka ay ku wareejin doonaan marka ay kasoo baxaan soomaaliya ciidamada dowladda federalka ee soomaaliya “ Somali National Security”

Bishii lasoo dhaafay dowladda Uganada waxaa ay sheegtay in ay askarteeda ay kala bexeyso soomaaliya, kadib markii ay midowga yurub ay dhimeen qeyb kamid ah mishaaraadkii ay siinayeen askartooda.

Ugadan ayaa waxaa soomaaliya ka jooga 6,200 oo askeri, waana ciidamada ugu badan ee dowladaha ciidamada usoo dira ee soomaaliya.

Dhinaca kale dowlada Kenya oo soomaaliya ay ka joogaan 3,700 oo askeri ayaa dhankeeda ku hanjabtay in ay ciidamadeeda ay kala baxeyso soomaaliya, kadib dhibaato dhaqaale oo ay kala kulantay Midowga Yurub.

Dowladaha Kenya iyo Uganada ayaa waxaa ay si gaar ay ay cabasho ay ugu keeneen, ciidamada oo laga jaray 20% mishaarka ay ka helaan midowga Yurub.

Sidoo kale waxaa ay QM, ay hal sano ay ugu dareen mandate-ka howgalka AMISOM ee soomaaliya, waxaana arintaan ay diplomasiyiinta ay sheegayaan in ay tahay mid lagu dhiiragalinaayo howgalka.

Amisom ayaa waxaa ay howlgal sharciyeysan soomaaliya ay ka biloowda sandkii 2007. Waxaana ujeedka loo bilaabay howgalaka uu ahaa, caawinta dowlada iyo sidii ay u difaaci lahaayeen danaha dowladaha taageera soomaaliya.

Amisom, ayaa waxaa ay dhawaan deegaano ay kala wareegtay al shabab, iyagoo kaashanaya ciidamo American ah, oo dhinacyada farsamada ka caawiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor