Mid kamid ah Dowlad Goboleedyada oo ka hadlay geerida Amiirkii Kuwait

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Maamulka iyo kan shacabka Puntland ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka.

“Puntland waxay u agsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Dowladda iyo shacabka Kuwait, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.

Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media