Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda M/Goboleedyada oo shir yeeshay

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa xalay shir ku yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada qaarkood oo safar uga baxay Magaalada ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda, waxaana ugu dambeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xalay soo gaaray Muqdisho.

Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor ansixiyay heshiiskii Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamulada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka gaareen Doorashada dalka ee 2020/2021.

Ansixinta heshiiskaas ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan Madaxda maamulada dalka, waxaana Madaxda ay mar kale sii yeelan doonaan kulamo kale oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii laga gaaray Doorashada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media