Mid ka mid ah kunkii dhalinyaro ee G/Banaadir laga Shaqaaleysiiyey oo Shabaabnimo loo xukumay

Maxkamada Ciidamada Qalabkas ida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ay ku jirto qof haweeney ah.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale:-

Hey’adaha Baarista  ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si’ ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo uu gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Ugu dambeyn Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ka mid ahaa Dhalinyaradii laga Shaqaaleysiiyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu xukumay 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor