NISA oo shaacisay inay qabatay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ay gacanta ku  dhigeen Xubin ka tirsan Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay 2dii September ee Maantii shalay oo ku beegneyd markii qarax lagu weeraray Xarunta degmada howl-Wadaag.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab si dadkeenu u gaaro nabad”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Hay’adda NISA.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Taliska Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxa ay shaacinayeen inay Muqdisho ka fuliyeen howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor