Mid ka mid ah Booliska Kaydka ee Kenya oo la dilay

Hay’addaha Ammaanka ee magaalladda Mandera ee W/bari ee dalkaasi waxay gacanta ku dhigeen Askar ka tirsan kuwa Kaydka oo lagu eedeynayo inuu dilay Askari kale.

Taliyaha Booliska Mandera, Jeremiyah ole Kosiyom oo la hadlay Wargeyska Nation ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Maxmed Bilow Sheekh, ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jirey C/raxmaan Cabaas Caddow, kaasi oo u geeriyooday dhaawicii loo geystay, mana kala cadda waxa u sabab ahaa dilkiisa.

Warar horey ayaa waxay sheegeen inuu Askariga geeriyooday uu isku dhuftay qorigiisa, xilli ay isaga iyo  3 Askari oo la socotay sugayeen gaarigii ay ilaalo ahaan u raaci lahaayeen.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska Mandera,Jeremiyah ole Kosiyom waxa uu tilmaamay in mid ka midah afarta Askari uu haystay tiro ka yar rasaastii loo siiyey inuu ku guto waajibkii uu ka hayey Saldhigga Booliska Mandera.

Shilkan ayaa la sheegay inuu Fiidnimadii xalay ka dhacay gudaha Mandera, iyadoo Askariga la dilay iyo kuwii la socday ka mid yihiin  in ka badan 300 o oAskari oo ka tirsan Boliska Kaydka ee  dhawaan loo qoray inay ilaalo ka qabtaan Xuduudka Kenya la wadaagto dalka Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media