Maamulka Degmada Qoryooley ayaa sheegay in meydka qof rayid ah oo la jar jaray in lagu arkay Degmadasi.
Xoghayaha Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeeladda Hoose C/Shakuur Dhagey ayaa Dalsan Radio u sheegay in dhacdadasi ay Shalay dhacday welina ay baaritaano ku hayaan.
Ma cadda Sababta qofkan rayidka loo beegsaday oo loo jar jaray lkn waxa jira Warar sheegaya iney taagan yihiin Dilal ku saabsan aargoosi qabyaaladeed.
Waa dhacdo ku Cusub Qoryooley iyo guud ahaan Soomaaliya in qof la dilo islamarkaana la jar jaro.