Waxaa saakay lagu wadaa in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyo Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo maalin kahor ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa la filayay in Meydka Marxuum Galeyr la keeno Muqdisho, hayeeshee dib ayaa loo dhigay, xili qoyskiisa ay dalbadeen in baaritaano kale lagu sameeyo geeridiisa.
Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde oo saacadaha soo socda soo Caga-dhigan doonto diyaarada sida Meydka Galeyr, waxaana halkaas lagula dukan doonaa salaada Janaasada.
Intaas kadib ayaa waxaa Aas qaran loogu sameeyn doonaa Qabuuro ku yaalla Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa la filayaa in Aaska Cali Khaliif ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii lasoo dhaafay shaaciyay in Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo haayay laba maalmood.
Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa mar soo noqday Madaxweynihii Maamulka Khaatumo State oo ahaa Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.