Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga Guddoomiye Cismaan Barre ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal iyo Saraakiil Ciidan, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cismaan Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inta uu joogay Caasimadda dalka in kulamo kala duwan uu la qaatay Madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka iyo Hay’addo taageera Maamulka Hirshabeelle.
Waxaa uu sheegay in dhammaan Madaxdii Muqdisho ay kula kulmeen isaga iyo wafdigiisa la socday ay kala hadleen Horumarinta dhismaha Hirshabeelle iyo sidii loo taageeri lahaa maamulkooda.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in la dardar-gelin doono dhismaha Hirshabeelle Cusub oo loo dhanyahay, isla markaana ay socdaan qorsheyaal lagu dhisayo maamul oo dhan yahay.
Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa dhawaan soo saaray Jadwalka oo soo xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Guddoonka, hayeeshee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay Jadwalkaas.